Fichier PDF

Partage, hébergement, conversion et archivage facile de documents au format PDF

Partager un fichier Mes fichiers Convertir un fichier Boite à outils PDF Recherche PDF Aide Contact



Taariikhdii Jaamac Maxamed Xayd .pdf



Nom original: Taariikhdii_Jaamac_Maxamed_Xayd.pdf
Titre: Jaamac Maxamed Xay wuxuu ku dhasahy 28 August 1953
Auteur: Fu'aad

Ce document au format PDF 1.4 a été généré par Acrobat PDFMaker 6.0 for Word / Acrobat Distiller 6.0 (Windows), et a été envoyé sur fichier-pdf.fr le 27/03/2013 à 16:16, depuis l'adresse IP 82.173.x.x. La présente page de téléchargement du fichier a été vue 1074 fois.
Taille du document: 155 Ko (12 pages).
Confidentialité: fichier public




Télécharger le fichier (PDF)









Aperçu du document


  Halgankii Ummada 
iyo Koboca dhaqaalaha 
ee Jabuuti  
Kaalintii  Jaamac  Maxamuud Xayd‐IHUN‐   
 
 
 

 
 
 

 

Qalinkii iyo tafatirkii  Fu,aad Sheekh                                     
Bahda Mareegaha Farashaxan                                           
Mareegta Farshaxan 
Maarso,2013 

QIIMADHACA LACAGTU
WAA DHAQAALE BURBUR
Jaamac Maxamuud Xayd(IHUN)
Mareegaha Farshaxan
Maarso,2013
“Un jour, quelqu’un lui dit : “Djama, tu n’as pas assez de tous ces gens qui viennent
t’importuner tous les jours, à longueur de journée ?”.
“Etonné par la question de son interlocuteur, d’un ton convaincu il lui répondit : « que
vaut une vie, si elle n’est pas dédiée au service des autres ? Dés lors où Dieu vous a
donné l’opportunité de résoudre certaines de leurs difficultés, il faut le faire ! Dans notre
action, nous ne sommes que des intermédiaires (Sababe).C’est Dieu qui guide notre
démarche et nous aide à obtenir le résultat”. Mohamed Saïd Seif,ECONOMISTE
------ La Nation--“Maalinbaa lagu yidhi Jaamac dadkan kuula imanaya dhibtooda kuma filnaan
karaysid maalintoo dhan. La yaabka waydiinta waxaa wiiqay warcelinta kasoonidu ku
ladhneyd ee uu Jaamac yidhi: “Noloshu maxay tahay hadaan loo hurin u shaqeynta
kuwa kale?Markuu Ilaahay kuugu deeqo fursad aad ku xalin karto dhibaatadooda,waa
inaad u hawlgashaa, waa la inoogu dhiibay.Ilaahay baa hawlgalkeena haga,inagguna
kaalmeeya inaan ka midho dhalino … ” ayuu yidhi Maxamed Siciid Seef,dhaqaaleyahan,
Wargeyska Ummada ee Djibouti
Bishan Maarso dhamaadkeeda ayaa dawlada Jabuuti u dabaaldegaysaa barbardhaca ay la
noqotay dawlada boqortooyada Ingiriiska. Ilaalinta qiimaha lacagta ayaa ah arin
dhaqaalaha dal leeyahay qayb weyn ka qaadata.Sidaa darteed ayey Boqortooyada
Ingiriisku noqtay dalka koowaad ee awood u helay inay qiimaha lacagtooda meel kaliya
ku sugaan muddo dhan afar iyo lixdan gu’.Dawlada Jabuuti ayaa himilada koowaad ee
hawsha Bangiga Dhexe u hogaamisay sidii loo suurogalin lahaa in lacagta dalka Jabuuti
laga ilaaliyo qiimo dhac.Bishan Maarso ayey ku guuleysatey dawlada Jabuuti inay ku
faanto dhameystirka talaabadii koowaad oo barbardhac ka dhigtay dawladii calanka u
sidatey xilkaa.Waxaana loo gudagalayaa in talaabada labaad la qaado siduu sheegay
marxuum Jaamac Maxamuud Xayd “Waaneynu jabin rikoodhkaa insha Allah”.

Mar uu Maxamuud Siciid Seef waydiiyey Jaamac bisha Maarso 20,2013 iyo guusha la
gaadhey ayaa Jaamac Maxamuud Xayd uu ku jawaabey : “Maalintan waxaan la

barbardhac ku samaynaynaa Rikoodhka aduunka dalka haysta.Waaneynu jabin doonaa
rikoodhkaa insha Allah”.

Maalintan waxay ku beegan tahay barbar-dhacii Frank-ka Djibouti oo la aasaasey bishii
Maarso 20,1949.Rikoodhka aduunka ee deganaanshaha lacagta ayaa waxaa muddo
haystay giniga sterling ee Ingiriiska oo deganaa intii u dhaxeysay 1850 and 1914.

Jaamac Maxamuud Xayd(IHUN) ayaa kaalin weyn ka geystay,dadaal badana sameeyey
inay arintani suurtogal noqoto.Waxaa mar kasta maankeena ku soo maaxaneysa inaynu
xusno hormoodkii guusha intaa leeg suurtogaliyey,isagoo gacan buuxdana ka helay
maamulka dalka Jabuuti oo ugu horeeyo madaxweynaha Ismaaciil Cumar geelle.Jaamac
Maxamuud Xayd (IHUN) ayaan Ilaahay u qorin inuu dabaaldegaa ummadda reer Jabuuti
iyo ummadda ku hadasha Af-soomaliga kala qayb galo.

Geerida naxdinta leh ee ku timid Jaamac Maxamuud Xayd ayaa qoraalkani u yahay
xusid, una yahay hibeyn inta bulshada u hagar baxda ee xil qabata.Maaha ugub in
mareegaha Farshaxan ay u holadaan ka waranka taariikhda dadka bulshda ka dhex
muuqda waxna taray.Dhigaalkani waa mid hogotusaaleyn u noqonaya qof kasta oo xilka
loo igmadey aan danihiisa gaarka ah uga faa’idaysan ee bulshada u diran.

Xornimadii Jabuuti ka hor, Maxamuud Xayd wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hormoodka
ahaa ee ciidamada Faransiiska.Wuxuu Maxamuud Xayd ahaa sarkaalkii ugu horeeyey ee
Dawlada Faransiisku u dirtay dal aan dalkiisa aheyn.Maxamuud xayd waxaa loo
magacaabey inuu noqdo hogaanka maamulka(DG) ee Jasiirada Madagaskar.Waxaa
Maxamuud Xayd aad loogu yaqaaney inuu qayb laxaad leh ka qaadan jiray waxtarka
jabhadihii xoriyo-doonka Jabuuti oo uu kaalin mug leh ka geystay.Waxaan la hilmaami
doonin kaalmihii kala duwanaa ee uu ka qaatey dhexgalka ciidamada Faransiiska iyo
shicibkii gadoodsanaa ee xoriyadooda doonayey.Dadka qaarkii waxay sheegaan inuu
badbaadiyey dhiig badan oo daadan lahaa,iyo dil badan oo dhici lahaa.Ilaahay wuxuu ugu
deeqay hanti ku dartay inuu maalqabeenada Jabuuti la jaanqaado.

Maxamuud Xayd wuxuu guursadey oo marwo u noqotay Caasha Cawaale.Waxaa la
dhashay Caasha Cawaale oo dalka Djibouti ku caan ah Xasan Cawaale,Ciise Cawaale,
Muxumed Cawaale,Madiina Cawaale,iwm.Ilaahay wuxuu ku galadey labadaa waalid ee
Maxamuud iyo Caasha caruur kala ah Maxamed,Shafiiqa, Khadra,Almis, iyo Jaamac.
Ilaahay ha u naxariisto Maxamuud iyo Caashaba.Waxaa kaloo u dhaxdey Maxamuud
xaas labaad oo ah Shamis Maxamuud. Shamis waxay Maxamuud Xayd u dhashey labada
wiil ee Cabdiraxmaan iyo Hagar. Shamisna way nooshahay maanta,degan tahayna
magaalada Djibouti.

Maxamuud maadaama uu ahaa aabo wax bartey wuxu ku dadaaley in caruurtiisu
dhamaan wax bartaan. Almis wuxuu bartey cilmiga hawada sare iyo dayuuradaha(Civil
Aviation), waxaanu ka gaadhey ilaa uu noqdo hormoodka hay’adaa. Maxamed wuxuu
bartey cilmiga socdaalka(Transportation),gaadheyna inuu noqday hogaanka sare ee
shirkada tareenada Djibouti.Shafiiqa waxay takhasuskeeda ku qaadatey aqoonta
waxbarashada (Education),ilaa ay gaadhey muddo badana aheyd maamulaha dugsiga sare
ee Djibouti, waxaaney u dhaxdey Axmed Ismaaciil Bookh oo xoriyada ka hor iyo ka
dibba ahaa gudoomiyaha hay’ada socdaalka Djibouti,iminkana hawlgab ahaan u fadhiya.
Khadra oo aynu in badan si gaar ah uga warami doono ayaa ka mid ah caruurta labada
waalid. Khadra iminka waa marwada koowaad ee dalka Djibouti,ahna xaaska
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Waxaa xusid mudan inay Shafiiqa iyo Khadra ka mid ahaayeen hablihii ugu horeeyey ee
la geeyo dugsi.Aragtida xilligaa laga qabey hablaha dugsiyada tagaa aad ayey u
qalafsaneyd una foolxumeyd.Maxamuud Xayd wuxuu yeeshay dhiiranaanta uu hablihiisa
ku geeyo dugsi,isagoo og in bulshadu ku dhaliili doonto arintaa.Aqoontiisa ayaa u
saamaxdey inuu dhiiranaan iyo geesinimo u yeesho dugsi geynta habilihiisa.

Jaamac Maxamuud Xayd wuxuu ku dhashay magaalada Djibouti xilli ku beegnayd 28
August 1953. Waxbarashadiisa hoose ilaa dugsiga sare wuxuu ku qaatey dalka gudihiisa.
Dalka Faransiiska ayuu ka bilaabey waxbarashadiisii Jaamicadeed ee heerka koowaad,
isagoo sii watey waxbarashadiisa ilaa uu shahaadada sare ee labaad(maîtrise –master )

gacanta ku dhigay. Wuxuu Jaamac ku qaatey cilmiga dhaqaalaha iyo qorshaynta
(Développement économique et en Planification ----Economic Development and
Planning--). Hase yeeshee dalka Senegal ayuu waxbarasho danbe Jaamac dib ugu noqday
si uu takhasus dheeraada uga soo korodhsado isla aqoonta horumarinta dhaqaalaha iyo
qorshaynta.Waxaanu Diploma ka soo qaatey machadka Afrika ee horumarinta
dhaqaalaha iyo qorshaynta(IDEP) oo ku yaala badhtamaha magaalada Dhakaar(Dakar).

Machadkaa waxaa aasaasey Jimciyada quruumaha ka dhexaysa si wadamada Afrikaanka
ah ee xoroobaa u helaan aqoon ay ku kobciyaan dhaqaalahaooda.Waxaana la aasaasey
1962.Waxaa xubin buuxda ka ah machadkaa ilaa 53 dal.Macalimiinta uu nasiibka u
helay Jaamac inuu wax ka barto waxaa ka mid ahaa Professor Samiir Amiin oo ah
agaasimaha guud ee Third World Forum Dakar, Senegal and sidoo kalena ah qoraaga
waraaqaha bilaha ah ee The Liberal Virus, The World We Wish to See, and The Law of
Worldwide Value.

Qoomiyada Soomaaliyeed aad ayey u yaqaanaan aqoonyahan Samiir.Sooyaalkoogana
waxaa ku sugan in 1975 dalkii Soomaaliya laysku odhan jiray lagu qabtay dood
aqooneed lagaga hadlayey sida dunida saddexaad dhaqaalaheeda u tamarin karto,reer
Galbeedkana loola jaanqaadi lahaa.Waxaa doodaa ka qayb galayey Samiir Amiin oo
Masri ah, barre sarena ka ahaa Jaamicada IDEP ee ku taala dalka Senegal,waxaa la
doodayey aqoonyahan sare Mujaahid Ibraahim Maygaag Samater oo ahaa wasiirka
Qorshaynta. Samiir wuxuu ku doodayey in wadamada horumaray ay adoonsigoodii ku
sii wadaan dunida saddexaad, waxaanu sal uga dhigay aragtida Center iyo Periphery
xalna uu uga dhigay in laga takoormo suuqa qoladaa reer galbeedka (Disengagement
from Capitalism Market). Wuxuu ku tilmaamay inay dunida horumartay tahay
“Center”,ay dunida saddexaadna tahay “Periphery”.

Waxay labada aqoonyahan isku afgarteen in habdhaqankaasi jiro dhabna yahay,hase
yeeshee waxay ku kala tageen xal u raadinta uurkutaalada meesha taala. Samiir wuxuu ku
doodayey inaan waxna laga iibin, waxna laga iibsan ee laga go’o reer galbeedka.Waxaa
arintaa si cad uga soo horjeeday aqoonyahan Ibraahin Maygaag Samater(IHUN) oo ku

doodayey si xidhiidhkeenuna u jiro,halkay iyaguun faa’iidi lahaayeena loo wada faa’iido
hala samaysto iskaashato sida OPEC oo kale oo tusaale ahaan wadamada Bunka
iibgeeyaa ha samaystaan urur,qaab urur ahaana ha ku suuqgeeyaan waxay iibinayaan.
Waxaa dadkii goobta joogay sacab iyo damaashaad lagu soo dhaweeyey xalkii
(Solution) uu Ibraahim Maygaag(IHUN) soo jeediyey,Samiirna aad ugu farxay sida
quruxda badan ee uu Ibraahim Maygaag u balbalaadhiyey una soo bandhigay xal u
raadinta hagardaamada dunida saddexaad ee xagga dhaqaalaha ka haysata.Waxaanse
marna maanka dadka ku dhaqan qaarada Afrika ka baxeyn heerka halgameed ee uu ka
qayb qaatey aqoonyahan Prof. Samiir.Dadka aad ugu magaca dheerna wali wuu ka mid
yahay qaarada Afrika marka laga hadlayo dhinaca dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Xilli ku beegnayd 1984 ayuu Jaamac
Maxamuud Xayd ku soo noqday dalka

“Xornimada waynu

Jabuuti. Jaamac Maxamuud Xayd wuxuu

qaadan doonaayee,

shaqadiisii ugu horeysay ka qabtey xafiiska

waxbarashada ha lagu

horumarinta ee PNUD( Programme des
Nations Unies pour le Développement). Afka

dadaalo,iyadaa lagu

Ingiriisiga ururkani wuxuu ku noqonayaa

kala bixi doonaayee”

UNDP. Ururkani wuxuu wadamada soo koraya

Jaamac (IHUN)

ka kaalmeeya maamul wanaaga iyo la
dagaalanka baahida(faqiirnimada).Xafiisku waa

qayb ka mid qaramada midoobay, hase yeeshee xidhiidh toos ah la leh wasaarada
arimaha gudaha.Wuxuu ka hawlgalaa saddex waaxood oo kala ah :
1-Waaxda Horumarka hoose (Développement local – Local Developement-)
2- Waaxda Baahida aasaaska ee bulshada
(Services sociaux de base – Basic social services)
3-Waaxda Maamulka Dawladnimo iyo wax-wada qabsiga
(Gouvernance et partenariat -Governance and partnership)
Jaamac Maxamuud Xayd wuxuu ka hawlgalay dhamaan waaxahaa,kana noqday
maamulka sare ee hay’adaa. Waxyaalaha aad loogu xasuusto Jaamac waxaa ka mid ah
siduu ugu heelanaa uguna hawlgali jiray hawlaha ay qabato hay’adaasi. Dalka Jabuuti oo

xilliyadaa qaatey xoriyada ayaa laga dareemayey dhibaato dhaqaale oo baahsan. Jaamac
Maxamuud Xayd ayaa dadaal badan ka muujiyey wax ka qabashada arimo badan oo ay
ka mid yihiin :
• Dabargoynta Baahida (Réduction de la pauvreté -Poverty reduction) .
• Kobcinta Dhaqaalaha Bulshada (Développement de Social Economic – Development
of Social Economic).

Intii uu joogay hay’adaana kaalin mug leh ayuu Jaamac ka geystay ka hawlgalinta
labadaa arimood een kor ku xusnay.Hay’adaha qaramada midoobay ee ka hawlgala dalka
Jabuuti waxay kala yihiin PNUD, PAM,UNICEF, HCR, FAO, FNUAP, OMS,
ONUSIDA, UNESCO, IOM iyo FMI.Jaamac xidhiidh toos ah ama dadban ayuu la
yeeshay dhamaan hay’adahaa.Jaamac Maxamuud Xayd wuxuu hay’adaa ka shaqeeyey
muddo dhan ilaa sideed gu’.

Xilli ku beegnayd 1994 siiba bishii Noofember ayaa loo magacaabey Jaamac Maxamuud
Xayd inuu noqdo gudoomiyaha bangiga dhexe ee Djibouti.Jaamac markiiba wuxuu
bilaabey sidii ay qiimaha lacagta Jabuuti loo ilaalin alahaa.“Qiimo dhaca ku yimaada
lacagtu wuxuu sababaa baaxaa-deg ku yimaada dhaqaalaha dalka,lacagta oon qiimodhicina waxay kaalin fiican ka qaadataa koboca dhaqaale.Waxay tahay arin lagu
xasuusan doono Jaamac siduu iskaga xil saarey inaanu qiimo dhac ku iman lacagta Frank-ka Djibouti” – ayuu yidhi Maxamed Siciid Seef oo ah dhaqaaleyahan ay in badan
aqoon isku lahaayeen marxuumka

Maxamed Siciid oo si wata hadalkiisa ayaa yidhi : “Isagoo ku hawlgalaya ogolaanshaha
madaxweynaha iyo awoodsiintiisa, wuxuu Jaamac qaadey talaabooyin iyo hawlgalo
kobcin iyo dibu-habeynba ku sameeyey dhaqaalaha Djibuuti”.Waxaa tusaalayaal loo soo
qaataa arimo badan oo uu Jaamac kaalin mug leh ka geystay siiba koboca dhaqaalaha ee
dabaqada dhexe.Waxaana ka mid ah sida dad badan oo saaxiibkii Maxamed Siciid ka
mid yahay bulshda la wadaageen:

-Tirada bangiyada dalka :
Tirada bangiyada laga furay dalka Jabuuti ayaa kordhay.
Korodhka sidaasi ah wuxuu kaalin weyn ka qaatey koboca dhaqaale ee ku yimid dalka
Jabuuti.Ilaa 2006dii waxaa dalka Jabuuti laga furay sagaal Bangi oo suurtogaliyey shaqoabuurid toos ah iyo mid dadbanba.Waxaanu tartanka ka dhexeeya bangiyadani keenay
hoos u dhac ku yimaada dulsaarka amaahda.Waa dhaqaale korodh kaalmeeyey bulshada
dabaqada dhexe oo ku dhaqaaqdey dhismayaal iyo baayacmushtari. “Waxay aheyd inaad
haysato ilaa boqol kun oo Faran si aad uga furato sanduuq dhaqaale bangiyadan,maanta
afartan kun baa kugu filan. Jaamac wuxuu ahaa farsamo-yaqaan danyarta ka soo qayb
galiyey koboca dhaqaalaha” ayuu yidhi Maxamed Siciid Seef.

-Awooda Lacagta Djibouti :
Xilli ku beegnayd 1949 ayaa Frank-ka Jabuuti la sugay
qiimihiisa.Markii loo dhiibay gudoomiyanimada bangiga dhexe Jaamac,Wuxuu ku
dadaaley inuu xoogeeyo lacagta Djibouti, kana ilaaliyo qiimo-dhac ku yimaada.Wuxuu
ogaa qiima-dhaca lacagtu inuu keenayo burbur dhaqaale oo dad iyo dalba ah . Dalka
Jabuuti wuxuu bishan Maarso barbardhac la noqday dalka Ingiriiska oo lacagtiisa muddo
dheer( 1850 – 1914) ka ilaaliyey qiimo dhaca. Waxaa Frank-ka Djibouti la aasaasey
bishii Maarso 20,1949 Rikoodhka aduunka ee deganaansha lacagta giniga sterling ee
Ingiriiska ayaa Rikoodhka haysta oo deganaa intii u dhaxeysay 1850 and 1914. Mar uu
Maxamed Siciid Seef ka wareystay Jaamac bisha Maarso 20,2013 iyo arinkeega oo ku
beegan barbar-dhacii Frank-ka Djibouti. Jaamac wuxuu ku jawaabey : “Maalintan
waxaan barbardhac ku samaynaynaa Rikoodhkaa uu giniga Sterling-ku haysto.Waaneynu
jabin rikoodhkaa insha Allah”.

- Horumarinta Dhaqaalaha dabaqada dhexe :
Horumarinta Dhaqaalaha dabaqada dhexe
oo lafdhabar u ah koboca dhaqaale ee bulsho iyo isku dheelitirka ummada.Wuxuu in
badan Jaamac Maxamuud xayd ku dadaaley in dhaqaaluhu galo gacanta dabaqadaa oo
dan-yar badan soo kicisay.Waxaaney keentay shaqo-abuur dadban iyo mid toos
ahba.Dabaqadan ayaa ah ta suurtogalisa inuu dhaqaalaha dalku horumar muuqda

sameeyo.Dabqada sare maalgalinta ayey qayb ka qaadan kartaa,hase yeeshee dabaqadani
waxay qayb laxaad leh ka qaadataa inuu dhaqaaluhu meerto noqdo oo dabaqada sarena
ku guuleysato maalgalintoodii,dabaqada hoosena helaan gabasho iyo gacan-qabad ka
nabadgaliyo inay dhulka galaan dhaqaale ahaan.

Halgankii Dalka:
Xilli ku beegnayd horaantii lixdameeyihii ayaa dardar hor leh loo galay raadinta
xornimada dalka Jabuuti Waxaa xilligan kaalmo iyo gacanqabadka laga filayey labadii
dal ee isku darsamey Somaliland iyo Soomaaliya.Waxaase wiiqay filashadaa maamulkii
xilligaa oo shanta Soomaaliyeed oo isku darsataba aan qorshaha ugu jirin.Waana ta
keentay inay Soomaliland dib u bilawdo xilliyada la soo noqoshada xoriyadeedii kuna
hageysay inqilaabkii milatari ee aan guuleysan.Dawlada Jabuuti inay iskeed isku taagto
oo aaney ku darsamin labadii( Soomaaliland iyo Soomaliya) ayey u halgameysay.
Waxaaney ka dheegteen falalkaa foolxumada ee ka soo baxay labadii shanta u halgami
lahaa.Waxaa maamulkii xornimo-doonka ee Jabuuti hogaan u aheyd weedha “Isha Cali
ka lulata eeg”.

Waxaa sameysmay ururo dhawr ah oo danta guud iyo halganka xoriyadoonka ka
midaysnaa.Dhinaca haweenka waxaa jiray ururo gaar u ahaa,waxaase aad loo yaqaaney
ururkii “Progress”.Sidoo kale ayaa dhinaca raggana jireen ururo kale. Waxaa kaloo
jiray ururo ku salaysan fanka,adeegsadana ruwaayadaha si ay dadka u kiciyaan una
hagaan.Waxaa kaloo jiray ururo dhalinyaro ah.Jaamac Maxamuud Xayd wuxuu xubin
firfircoon ka noqday ururki dhalinyarada ee la odhan jiray “l'union de la jeunesse”-Union
of the Youth-.

Ururkaasi wuxuu kaalin fiican ka qaatey inuu muujiyo kaalinta ay ardeydu ka qaadan
karaan halganka.Waxaanu sidoo kale soo bandhigay dareenka ay ardeydu ka qabeen
xornimada loo wada halgamayo..Waxaa xubnihii ururkaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan
Cali Faarax,Haybe Cabdilaahi, Yaasiin dheere, Cismaan Shaahi,Axmed Sandoon, Carab
Sandoon,Cumar Xasan Kidaare,Cabdi Istuul,Yuusuf Quule,Maxamed Aadan,Cumar

Faarax Geerdoon,Kulmiye, iwm ..(Ilaahay ha u naxariisto inta dhimatey, inta noolna
Ilaahay caafimaad qabna ha siiyo iyo cibaado wanaagsana ha waafajiyo).

Jaamac wuxuu gurrsadey Khadra Daahir.Muddo ayey isqabeen, si wanaagsan ayey u kala
tageen oo walaalnimo ku dheehan tahay.caruurna iskumay yeelan.Muddo ka dib ayuu
Jaamac guursadey Shugri Cumar oo una siiraacdey dhakhtarkii Nayroobi ee loo
qaadey.Waxay isku leeyihiin saddex caruur ah.

Fan Jaceyl:
Kooxaha fanka ee afafka Soomaliga iyo Canfarta ayaa xidhiidh dhaw la lahaa Jaamac
Maxamuud Xayd.Markaad aqoonta Jaamac ee dhaqaalaha iyo fan jaceylkiisa eegtana
waa laba kala fog siday isugu yimaadaan. “Alle ha u naxariistii Jaamac Maxamuud Xayd
saaxiib ayaanu ahayn oo waxa uu ahaa nin lagu soo hirto oo raganimadiisa iyo
waxtarkiisa aan la malayn karin, waxaanu ummadda u ahaa iftiin iyo cadceed oo waxa uu
ahaa nin aragti fog oo aqoonyahan ah, isla markaana bulshada nooc walba oo ay tahay u
jajaban oo haddii Ilaahay ka dhigo gacan leh”ayuu yidhi abwaan Maxamed Ibraahin
Warsame”Hadraawi”.Sidoo kale ayey tidhi fanaanada Khadra Daahir oo ku hadleysay
magaceega iyo magaca hoboladu “Jamaac,nin taariikh dheer ku leh ummadda buu ahaa,
saaxiibkayo buu ahaa”. Waxaa talaabadaa mid la mid ah ku raacey abwaan Xasan Xaaji
Cabdilaahi “Xasan ganay”.Wuxuu abwaan Xasan muujiyey siduu uga xun yahay
geeridaa naxdinta leh ee ku timid Jaamac Maxamuud Xayd iyo waxaanu sheegay inuu
ahaa nin dhaqan toosan iyo dadnimaba lahaa.

Labada , Khadra Daahir iyo Xasan Ganay waxay dareenkoogaa si balbalaadhan ugu
muujiyeen maansooyin ay u hibeeyeen marxuumka.Waydiintu waxay ka imaneysaa fan
jaceylka Jaamac ma mid qoto dheer baa mise mar danbe ayuu ku abuurmay?.

Dhamaadkii lixdameedyadii fanka wuxuu ahaa wax laga fogaado.Hase yeeshee aabihii
oo aqoonyahan ahaa ayaa surrtogalisay inuu taageero ka sokow u iibiyo qalabkii ugu
horeysay ee ay isticmaalaan Jaamac iyo walaalkii Almis.Hooyadiina waxay aheyd

maanso yahan aad loogu yaqaaney curinta buraanburka iyo jiiftada.Waxaa intaa u
dheeraa afarleyda oo ay u laheyd karti dheeraad ah.

Jaamac markuu yaraa ayuu aad u jeclaa fanka.Koox faneed ayaa xilliyadii halganka dalka
ka jiray.Jaamac wuxuu ku jiray markii uu ardeyga dugsiga sare ahaa kooxda fanka.
Waxaa xubnihii kale ee ku jiray ka mid ahaa walaalkii Almis, Cabdi-Qaadir Daaco,
Bashiir Cilmi, Cumar Faarax Geerdoon, Cabdiraxmaan Maax,iwm.Kooxdaa waxaa la
odhan jiray Filsan band. Dalka Djibouti caan bey ka aheyd kooxdaasi.Waxaaney
kooxdaasi jirtay ilaa lix gu’ ku dhawaad(1963-1968).Jaceylkaa uu u qabo horumarinta
afka ayaa ku dhiirgaliyey inuu xubin firfircoon ka noqdo abaabulkii iyo hanaan-socodkii
ururada Somali-Pen iyo Afar-Pen.

Tilmaamo:
Tilmaamaha gaarka ah ee loo suntay Jaamac Maxamuud Xayd waxaa ka mid ah
raganimo, hal-adayg, dad-aqoon, nin u roon dadka,deeqsi,dad Jaceyl, aad u kaftan
badan,isla-weyni ka madhan tahay.Markaad tilmaamahaa dib u jaleecdo waxaa kuu
muuqanaya shaqsiyada dhabta ah ee Jaamac Maxamuud Xayd.Tilmaamahani waxay
taageerayaan aragtida wanaagsan ee bulshada uu ka dhashay ay ka haysteen,
dhamaantoodna uu u ahaa mid ay jaceyl u hayaan,kana xumaadeen geerida ku timid.

Geeridii Jaamac Maxamuud Xayd:
Maalintii isniintii(Janaayo 7, 2013) ayaa xanuunka Jaamac loo gartey mid aan dalka
Jabuuti waxba laga qaban karin.Go’aan ayaa lagu gaadhey in loo qaado dhinaca dalka
Kiiniya.Dhakhtarka Agha Khan ee nairobi ku yaala la dhigay maalintii Salaasada.Waxaa
la ogaadey in dhiig ku furmay,uuna u baahan yahay qalniin.Waa lagu guuleystay
qalniinkii oo si wanaagsan ayuu u dhacey.Hase yeeshee wali ka soo rayn loo hanqaltaago
lama arag.Maalintii Jimcihii (Janaayo 11, 2013) ayey Jaamac Maxamed Xayd naftu ka
baxdey.

Ilaahay ha ugu deeqo adoonkiisaa Jaamac Maxamuud Xayd Jannatu Fardaws.Ilaahayna
samir iyo iimaan ha ka siiyo bulshada ku hadasha Af-ASoomaaliga.

Xasuusin:
Qoraalkan oo intan ka faahfaahsan iyo kana mug weyn ayaan bulshada ku reer
Soomaliland iyo reer jabuuti la wadagi doonaa insha Allah.Qoraalkani waxaanu ku
xusaynaa doorkii uu ka qaatey guusha dhawaan ay u dabaal-degayaan bulshada reer
Jabuuti.Guushaasi waa inay karti iyo raganimo u yeesheen inay ka dhawraan qiimo-dhac
ku yimaada lacagta dalka Jabuuti ee Frank-ka ah….

"La disparition de feu Djama Mahamoud Haid est une immense perte pour notre pays,
privé subitement d’un de ses plus grands serviteurs de l’Etat", a dit le chef de l’Etat
avant de louer le précieux concours que le défunt Gouverneur de la Banque centrale
apportait au « projet d’évolution de notre pays en une place commerciale et financière de
renommée internationale".
" Il restera à jamais gravé dans la mémoire collective des Djiboutiens qui garderont de
lui l’image d’un compatriote sur lequel on pouvait compter dans toute épreuve",
Que Dieu l’accueille dans son éternel paradis. Amin.
Message du Président de la République de Djibouti,
Son Excellence M. Ismail Omar Guelleh
La Nation

Qalinkii iyo tifatirkii :
Fu,aad Sheekh
Bahda mareegaha
www.Farshaxan.com iyo www.Farshaxan.org
-Tixraac
-Kaydka mareegaha Farshaxan
-Mareegaha Soomaliland iyo Jabuuti sida Oodweynenews,Gabileynews,
Hadhwanaagnews,Togaherer,iwm
-TV-ada Soomaliland iyo Jabuuti sida SLNTV,HCTV,RTD,iwm


Documents similaires


Fichier PDF taariikhdii jaamac maxamed xayd
Fichier PDF dhaqan sugeeti2
Fichier PDF depliant
Fichier PDF dhaqan4
Fichier PDF 105923jeconomics2019090307 1
Fichier PDF djibouti brochure2015


Sur le même sujet..