Dhaqan4 .pdf



Nom original: Dhaqan4.pdfTitre: Mise en page 1

Ce document au format PDF 1.4 a été généré par QuarkXPress(R) 9.0, et a été envoyé sur fichier-pdf.fr le 21/01/2014 à 21:31, depuis l'adresse IP 41.189.x.x. La présente page de téléchargement du fichier a été vue 2380 fois.
Taille du document: 5.8 Mo (14 pages).
Confidentialité: fichier public


Aperçu du document


DHAQAN
"Geyi waliba caadiyo hidduu gaar u leeyahay"
Waa bille ka soo baxa Wasaaradda Arrimaha Diinta, Dhaqanka iyo Awqaafta

Cadadka 4aad
WASAARADDA ARRIMAHA
DIINTA, DHAQANKA
IYO AWQAAFTA
Téléphone : (+ 253) 21 32 54 61
Télécopie : (+253) 21 35 95 35
P. O. Box : 102 Djibouti
Website : www.mambw.dj
Email : mambwinfo@gmail.com

Sabti, 31da Ogost 2013

DHAQANKA WANAAGSAN
Waa hubaal iyo xaqiiq aan sinaba la iskaga indho tiri karin in ummad kaste oo
dunida ku nooli ay dugsato diin iyo dhaqan is barkan oo isku ah sidii ul iyo diirkeed oo kale. Sidaas darteed mar kaste oo ay timaaddo muhimmadda diineed,
waxa barbar socda ama weheliya dhaqan wanaag kaas oo ah nuxurka waxa uu
dhab ahaantii Aadamuhu si weyn ugu kala tegey marka la eego dhan walba, waayo
waa arrinka keliya ee laf-dhabarta u ah dhabbadana u xaadhay in ay hirgalaan
dhammaan ba waxyaabihii diimihii samaawiga ahaayi ay la yimaadeen.

G

Kala soco cadadkan :
Afku waa rukunka ugu
weyn ee dhaqanka

2

Habdhaqanka bulshada

3

Cilmiga xiddigaha
(Barasho urji)

4

Haween ergo ma noqdaan 5
Baro afkaaga hooyo

6

Liibaanta ku jirta barashada
7
afka hooyo
Xilliyadii ay soo martay
maansada soomaaliyeed

9

Illimada maansadii hore

10

Bandhiggii qasaa’idka

12

Kulankii hawlwadeennada
13
Wasaaradda.

eesta kale, waxa muuqata in ay
bulsho walba, min billowgii nololsha
ilaa iyo manta, u muujiso mudnaan iyo
tixgelin dheeri ah cidda xanbaarsan murtida
ee u ehelka ah. Dhaqan ahaan waa tiirka loo
cuskado loogu na hagaago xogta sugan marka
la raadinayo waxyaabo hore u jiray oo
ummadi ay lahayd iyo ahaanteeda ba, waa
guntinta ma guuraanka ah ee isku xidhta
farriimaha facba faca kale u gudbiyo, waa na
astaanta laga dheehan karo ummadi waxa ay
tahay, hadday tahay jaranjarooyinka waayaha
nololsha iyo himilooyinka ay hiigsanayso ba.
Waa cidda la odhan karo, in uun, waxa ay
leedahay waayo-aragnimo ku salaysan aqoon
iyo dhaqanwanaag, taas oo ay qaybaha kala
duwan ee bulshadu ku soo hirato sidii ilo
biyo leh.
Haddaan tusaale ahaan u soo qaadanno,
nimankii geed joogayaasha ahaa ee ku
caanbaxay gorfaynta u garnaqidda bulshada,
si kaste ba ha ahaatee, garyaqaanku si uu u
qanciyo madalsha iyo labada dhinac ee is haya
kuwaas oo soo hiraansaday geedka uu joogo
awgeed, isma hafri jirin oo iskama raadin jirin
aftahannimo uuna u dhalan. Haddana mar
walba, hadal murti buu u dhintaaye, waxa uu
dhigi jirey halkeeda isaga oo taabanaya halka
ay sartu ka qudhuntay iyo xeer ahaan waxa
marinka saxda ah ee habbooni yahay, oo
nasiibwanaag “hibo Eebbe ku siiyay habeen
la iskama qaado”e, cidba arrin uu meel dhigay

inta badan goddaloolo kuma sheegi jirin, uma
na aanayn jirin.
Bal an soo qaadanno sheeko gaaban oo ku
saabsan halyaygii caanka ahaa ee lagu
magacaabi jirey Gaboobe-Sange, taas oo
marag u ah hubsiimada iyo sida ay
garyaqaannadii hore wax walba uga fiirsan
jireen, ama uga foojignaan jireen madmadow
iyo wax la is hoos mariyo intaba. Mooddo
ama male-awaal aayar la iska yidhaahdo, ama
arrin lagu gooyo, waxa ay ahayd mid aan
afkooda sinaba u soo marin ugana suuroobin.
Intixaannadii iyo tijaabooyinkii ay bulshadu
ku eegi jirtay waxgaradka iyo cidda
garsoorkooda ah ayay ka mid ahayd sheekadan
gaaban ee ku saabsan Gaboobe, Allaha u
naxariisto e.
Waxa la yidhi waa ayuu Gaboobe u baxay
socoto, iyada oo la sii ogaa wadada ama
dariiqa uu sii mari doono. Waxa la diray
dhallinyaro aad u orod badan, kuwaas oo loo
sheegay in ay qaadaan ama kaxeeyaan neef dibi
ah, dabadeedna ay horgooyo ku sameeyaan
Gaboobe oo ay sii tegaan meel u dhow hilinka
uu marayo, halkaas na inta ay dibiga ku
xidhxidhaan iska yeelaan sidii rag gawracaya
oo kale. Waa muuqaal ay adagtahay in laga
fisho wax kale oo aan ahayn qalitaanka dibiga.
Wax yar kadibna waxa soo maray Gaboobe
iyada oo muuqaalkaas “war xaji” iyo “qabo”

Bogga 2

Sabti, 31da Ogost 2013

DHAQAN

ahi uuna waxba iska beddalin. Gaboobe ma joogsane, waxa socotay”, Gaboobe waxa uu ku jawaabay “haa, waxa aan
uu goobtii iyo raggii ba ku dhaafay salaan.
arkayay dibi bir la dul haysto, ayaankiis bixiyaase mooyi”.
Wax uu soo socdoba, waxa uu Gaboobe soo gaadhay meel
kale oo loo sii fadhiistay si loo weydiiyo dibigaas, una
yidhaahdo “kaasi dhimay oo waa la cunay hilibkiisii, waanan
arkaayay markii la qalaayay”. Hase yeeshee markii la
weydiiyay ee la yidhi “ma aragtay oo Alle ma ku tusay dibi
caynkaas iyo caynkaas ah oo summaddaas leh intii aad soo

Sidaas ayuuna kaga guulaystay raggii doonayay in ay mar uun
u helaan goddaloolo iyo wax ay ku dhaliilaanba, kuwaas
halkaa ku ogaaday in uu Gaboobe yahay nin aan hubsiinmo
horteed hal odhan.

Suge Xuseen Maydhane.

AFKU WAA RUKUNKA UGU WEYN EE DHAQANKA
(Qaybtii 2aad)
Sidaynu ogsoonnahay afku waa weriyaha iyo baahiyaha xaqiijiya jiritaanka bulsho ama dad meel ku nool.
Waa maragga sheega ama soo tebiya dhammaanba xaaladaha iyo raadraaca nololeed ee ummadaas. Haddaba
mar hadday sidaa tahay; afku wuxuu u baahan yahay in la ilaaliyo oo kala lumin ama aanu raacin kala
wareegga waayaha iyo isweydaarashada wakhtiyada is dhaafaya.

U

mmadaha ku guuleysta in ay qoraan oo sugaan
afafkooda waxay noqdaan kuwa ugu cilmiga iyo
ilbaxnimadda badan. Dadyowga ay sidaasi u suuragashaana
waa kuwa haysta kaydkii iyo waxqabadkii awoowyaashoodii
hore; iyaguna halkaas ayuun bay ka sii ambaqaadaan.
Qoraallada is daba yaal ee ay haystaan ayaa u fududeeya
raadraaca iyo bacriminta cilmigii iyo teknoolajiyaddii ay
culimaddoodii hore uga tageen. Kaydkaas iyo dhaxalkaa
qoraalku u soo tebiyey ayuunbay iyaguna horumariyaan oo
hadba waqtigii la joogo ku jaangooyaan.
Haddaynu si kale u nidhaahno; kaydkaas iyo tijaabooyinkaas
ayay habeeyaan, ka midho dhaliyaan oo ka faa’iidaystaan,
iyaga oo u adeegsanaya hagaajinta iyo koruqaadidda
maamulka iyo wadanoolaanshaha ; hannaanka dawladnimadda

iyo sinnaanta ; dhaqaalaha ; caafimaadka iwm. Sidoo kalena
ubadkooda ayay uga tegaan si ay u sii dugsadaan. Hannaanka
ma guuraanka ah ee isku xidhan ee noocaas ah waxa
suurageliya oo keliya afka ummadi leedahay oo la qoro oo
dabadeed isna koobsada geedisocodnimada iyo horusocodka
bulshadaas.
Qormadan waxaynu ku soo gunaanadaynaa hees la
yidhaahdo “QIIMEEYA BARASHADA”. Heestu waxay
inna hogatusaysaa qiimaha ay waxbarashadu leedahay iyo
sida ay u kala sareeyaan bulsho cilmi iyo aqoon leh iyo
ummad jahligu dhegaha jaray oo indho la’. Waxayna innoo
iftiiminaysaa in wax barashdu, oo qoraalka afku u aabbo
yahay, ay fure u tahay horumarka iyo badhaadhaha nolosha
aadamaha. Heestuna waxay leedahay sidan :

Qarnigaynu joogniyo
Bilowgii quruumaa
Teer iyo qiyaamaa
Jahli qiil ma yeeshoo
Qabyo weeye noloshuye
Waxse guusha qaayiba
Qoomkii u sahan tega
Qormadiyo rugtiisee
Qaynuunka magansada

Qoraalkiyo tacliintuna
Qorrax weeye shidan oo
Iftiin qaybinaysoo
Qorshihii aqoontiyo
Qaamuus la baadhana
Adba waad u qalantaa
Dhaqaalaha qiyaasoo
Intaad Saynis qeexdaan
Qamarkiyo dayaxa tega

Dooxyada qulqulayee
Qawyada ku dhaadhaca
Qabta daadka webigoo
Bustaankiyo qodaalkana
Quudkaad cunaysaan
Qamaddida ku beertoo
Waxaad tahay dad qaniyee
Qolqol xoolo daaqiyo
Qayraadka maamula

Qalinkiyo fartaadaa
Cilmi lagu qotomiyaa
Qayrkeen an dhaafnee
Qiimeeya barashada

Qalinkiyo fartaadaa
Cilmi lagu qotomiyaa
Qayrkeen an dhaafnee
Qiimeeya barashada

Qalinkiyo fartaadaa
Cilmi lagu qotomiyaa
Qayrkeen an dhaafnee
Qiimeeya barashada

Cabdikariim Aadan Siciid

Cadadka 4aad

Sabti, 31da Ogost 2013

Bogga 3

QORMADA BULSHADA
HABDHAQANKA BULSHADA

Bulsho waa dad wadaaga dal, dan iyo daw (xeer) oo isla mar ahaantaas na dhan kaste iyo xag walba
si isku mid ah uga siman daryeelka iyo ka faa’iidaysiga saddexdaas dhandhaar-bulsho ee salka u ah
ahaanshaha iyo jiritaanka bulsho kaste oo dunida ku nool.

B

al haddaba aynu sii yare falanqaynno saddexda
rukun ee bulshda si aan xoogay daaha uga
faydno innaga oo sida ay u kala horreeyaan u soo
kala hor marinayna :
1. Dal waxa la yidhaahdaa dhul-deggaaneedka ay
bulsho ku oo leh xuduudo u gaar ah oo cayiman.
Haddii uu cadow maago ama soo weeraro difaaca
dhulka waa loo simanyahay. Sidaas si la mid ah,
daaqsinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dhulka na
waa loo simanyahay, waa na taasi sababta uu qof
kaste oo bulshada ka mid ahi ugu faano dhulkiisa,
Soomaalidu na waxay hore ugu maahmaahday “Nin
aan dhul lehayni ma dhaato” iyo “Nin aan dhaqan
lehayni waa nin aan dhaxal lehayn”. Sidaa darteed,
haybad magac iyo sharaf waxa uu qofku ku leeyahay
oo keliya waa dalkiisa hooyo.
2. Dan waxa la yidhaahdaa adeegga baahida guud iyo
danaha ay bulsho wadaagto, sida waddooyinka
waaweyn iyo kuwa yaryar ee marin-adeeg,
dhismeyaasha dawladda, hay’adaha dawliga ah iyo
wixii la halmaala oo dhan. Qof kaste oo bulshada
ka mid ah waxa waajib ku ah ilaalinta, daryeelka
iyo daayactirka waxyaabahaas kor ku xusan. Sidaas
si la mid ah, qof walba oo bulshada ka mid ahi waxa
uu xaq u leeyahay in uu isna kuwaas u adeegsado si
madax bannaan oo sharciga waafaqsan.
Haddaba waxa xusid mudan in ayna arrintani ahayn
mid ku cusub bulshadeenna. Haddii aan wax yar
jaleecno xeer dhaqameedkeennii hore, gaar ahaan
Xeer-Ciise, waxa ku dhigan oo ku jira qodobbo ku
saabsan daryeelka iyo ka wada faa’iidaysiga adeegga
bulsho. Tusaale ahaan aan u soo qaadanno gaadiidka

Soomaalidii reer guuraaaga ahayd ay aad u adeegsan
jirtey, sida awrta iyo wixii kale ee la mid ah ee lagu
guuro, lagu dhaansado ama lagu safrado. Sida
Xeerku dhigayo, haddii uu awr ka hallaabo ciddii
lahayd, qof kaste oo bulshada ka mid ah oo la
kulma waxa ku waajib ah inuu u ilaaliyo, una daryeelo sida neef uu leeyahay oo kale, ka
faa’iidaysigiisa iyo wixii uu dano ku qabsado na looma
raacayo lama na weydiinayo. Haddiise uu baylihiyo
neefkaa oo uu xerayn waayo, dabadeedna uu sidaas
dugaag ku cuno, waxa qofkaas laga qaadi magtii
awrka. Dacwadda awrka waxa lagu soo oogaa
hadba ciddii ugu dhow goobta uu ratigu ku
dhinto.
3. Daw (xeer) : Xeerka iyo sharcigu waa udub
dhexaadka habnololeedka bulsho kaste, waa na
waxa si isku mid ah u daryeela una ilaaliya
waaxyaha dhammaan bulshadu ka koobantahay,
dalka iyo adeegyada kala duduwan intaba.
Ummadi na meel sare ma gaadhto jiritaankeedu na
ma sugnaado ilaa iyo inta uu Xeerku noqonayo
waxa ugu mudan iyo walaxda ugu sareysa ee aanan
sinaba looga sarayn karin. Siday Soomaalidu ba
hore ugu maahmaahday “Xeer waa geed Jeerin ah”
oo lagama tallaabsan karo, lagama boodi karo,
lagama na dusi karo. Ciroole, carruur iyo cunugga
caloolsha ku jira ba Xeerku wuxuu u ilaaliyaa
xuquuqdooda si siman oo isku mid ah. Ilaalinta,
oogidda iyo fulinta sharcigu na waa saddexda
dhandhaar ee uu ku fadhiyo xeerku.

Cabbaas Xassan Migil.

Bogga 4

Sabti, 31da Ogost 2013

DHAQAN

CILMIGA XIDDIGAHA
(Barasho Urji)
Haddii aan horay uga soo hadalnay labo iyo tobanka burji iyo siddeeda iyo labaatanka hog ee dayaxu u
hoydo, qormadeenan manta waxaan ku qaadaadhigaynaa urjiga iyo cirjiidheyaaasha wixii Alle ku abuuray
samada, inta ay odayadeennu ka yaqaanaan. Intaanan u gudagalin arrimahaas, waxaan hortaba si kor ka
xaadis ah u tilmaamaynaa sidii ay odayadu u macneeyeen cilmiga.

O

dayadu waxay dhammaantiis cilmiga (ama
dhaqanka, sida ay odhan jireen) u qaybiyeen labo
iyo toban ceel (qaybood) iyo labo iyo toban dhaqaaq (laamood
ama farcanno). Laba iyo tobankaa ceel waxay ka soo dhaqaaqaan
saddex ilood oo kala ah : birqod, beeyo iyo xareed. Ceelka
birqodku waa cilmiga uu qofku dedaalka ku gaadho, beeyodu
waa cilmiga hibo ama deeq Alle ruux u siiyo, xareedna waa
cilmiga samada ka soo degay ee Nebi ama cid kale oo Alle
doortay loo soo dhiibay.
Iyada oo ay sidaa tahay, haddana
odayadu waxay si gaar ah
ceelka koobaad u bixiyeen
“Dhaqan”. Odayadu waxay is
weydiiyeen su’aashan : “Dhaqan
oo ka hufan dhalanteed iyo
dhallaanhabaabis, halkee buu
asalkiisa dhabta ihi ka soo
jeedaa?” Waxayna yidhaadeen
“dhaqaaqiisa kowaad waa aabbo
iyo hooyyo, laguna dhaqaaqo ishaar hooyo oo ah dhalan,
dhego baxso, arag oo indho yeelo, maqalna laga kowsado,
afbarasho iyo adaab hiddaha lagaga tisqaado”. Murti iyo
culuum dhaqanna waa laba dhaqaaqyood, waxay na kala
yihiin “rag iyo reer-maadh”. Intaas oo dhanna waxa la isku
yidhaa adduun. Haddaba aduun waa maxay ? Si aan arrinkaa
u falanqayno, waxaan horta bildhaaminaynaa macnaha
magaacdan hoos ku xusan:
FAGAAG : meesha bannaan ee ku wareegsan agagaarka
guriga ama daaraha. Odayadu waxay yidhaahdiin fagaagga
sare ee adduunku waa samada, intii madaxa ka saraysa.
ADDUUN : waa cirka, arlada iyo wixii labadaa ku dhex
abuuran. Koonka na waa la yidhaah.
URJI : wixii samada Alle ku qurxiyay ee ku abuuran baa Urji
la yidhaa. Waxa jira Buruud iyo Urji oo kala ah labo
waxyood. Hadda ba urji waa sidaa aan soo sheegnay, buruud
se waa afarta mudug iyo inta ka baxda oo waa labo iyo
tobanka bilood ee sanadka. Carabtu burji bay tidhaa,

odayadeennuna ereygaa uun bay u ekeysiiyeen oo buruud iyo
buruuj uun bay kal yihiin. Wixii samada ku abuuran oo
dhanna waa Urji.
DERBI : waa toddoba xiddig oo cad cad, afar isku gudban
iyo sadddex isdaba joogta. Sida darka geela oo kale ayaa la
moodaa, jiilaalka badhtankiisa ayay na soo baxaan. Waxaa la
moodaa in ay xagga waqooyi kaa
marayaan, inta ayna badhtamaha
samada soo gaadhin bay xagga
qiblada u dhacaan. Odayada
qaarkood waxa ay ku eegtaan
suxuurta oo xilliga suxuurta
ayay soo baxaan, bari bayna ka
soo baxaan.
XIDDIGTA WAABERI :
Milayga ay salaada subax jooto
bay soo baxdaa.
DABADHEER : afartankii sano ba mar baa la arkaa, olol
iyo qiiq cad oo ka soo horreeya bay leedahay. sida warankana
way u egtahay. Marka ay soo baxdo waxa ay odayadu odhan
jireen dadku sidii hore wuu ka dhimasho bataa, wuu na
xanuun bataa oo inta badan siifad baa dhacda.
HILIN HABARTII-JIIDJIID : waa dariiq bannaan oo
koonfur ama waqooyi buu ka soo baxaa. Cadceedbax iyo bari
shaqo kuma laha. Xiddigo badan baa hareeraha kaga
meersan, dudaduna waa waddo cad oo ay ku daadsan yihiin
xiddigo yaryar. Inta badan, xiddigaha Daalallo la yidhaa buu
la socdaa, markay dhacaan na wuu dhacaa. Waxa la moodaa
in xiddiguhu ku badan yihiin meesha uu cirka ka jiro.
Odayadii hore waxay odhan jireen "waa meeshii ay doonidii
Nebi Nuux (Caleyhi Salaam) jeexday ama meeshii ay samada
kaga toosnayd".
JIBIN : waa dhagax madax buuran oo aad moodid in uu cirka
kala jeexayo. Marka uu kaa libdho baa la maqlaa guux weyn,
dhulkana marka uu ku soo dhacayo guux iyo gariir badan
buu leeyahay. Inta badan badda ayuu ku dhacaa. Odayadu

Cadadka 4aad

Bogga 5

Sabti, 31da Ogost 2013

waxay odhan jireen "cadceed gudaysa (guuraysa) bay
heblaayo aragtay", taa oo ka dhigan “khayr bay heshay oo
way nasiib fiicantahay”. Dhagaxaasi kolka uu dhulka ku
dhaco, barwaaqo ayaa dhacda bay odhan jireen odayadu.
AWRKA CIRKA : habeenka gelinkiisa danbe ayaa inta
badan la arkaa. “Kolkuu fadhiisto dhulku waa nabad, marka
uu wax sare u laacayo waa abaar, marka uu fooraro na
xareeddii buu afka ku hayaa”, bay odhan jireen odayadii hore.
NINKII IDIN-BACAS : xiddigaha Ururka la yidhaa buu
ka danbeeyaa oo waa xiddigo muqaalkooda la moodo nin la
gigay. Waa xiddigo xagga hore ku leh wax u eg madax dad,
labo gacmood oo gacanta bidix ay tahay casaan oo “waa tii
uu wax ku gawracay” bay ku sheegi jireen odayadu.
Badhtanka ama dhexda, saddex xiddigood oo gudban buu
ku leeyahay oo ay ku tilmaami jireen “qolxadkii uu wax ku
dilay”.
LO'DA : waa xiddigo urursan oo saddex ka mid ah ay is
daba yaalaa iyo saddex kale oo dadkii hore ku tilmaami jireen

“saddex weylood oo ku soo caymadaya” oo ay dhex taallo
xiddig toddobaad oo ay ku sheegi jireen “wiil yar oo dhex
jooga oo kala celinaya”.
IDAHA : waa Ururka oo ka mid ah toddobada “Habar
Naaf ”. Odayada qaarkood waxay odhan jireen “Shuhuura
ayaa lahayd oo way daba carartaa”.
BARRAAQ : (Oodasho) waa doog guduudan oo cadceedda
ama dayaxaa ku goobta, qarkana u gaadha in uu fallaadha
cadceedda gaabsho. Marka la arko odayadu waxay ku
sheegaan in uu dhulku fiicanyahay oo “dhibtii baa kacaysa”
ayay yidhaahdiin, barwaaqo ayuu na sheegaa. Inta badana
casarka dabadii baa la arkaa.
DAAHAN : taariikhda dayaxa, habeenka ay bishu tahay 30
ama bisha ku xigti kowsanayso

Ibraahiim Axmad Ali (Xeer-Ciise).

HAWEEN ERGO MA NOQDAAN ?
Haweenku waa lammaanaha ragga, waa udubdhexaadka bulshada, waa asaaska horumarka. Dhib iyo dheefba
mar walba waxay garab joogaan ragga. Waxay ka taliyaan wanaagga oo waxay isku tolaan ummadda.

H

addaba sida la wada ogsoonyahay, dumarka
Soomaaliiyeed, oo ka mid ah biri-mageydeyda,
waxay kaalin mudan kaga jiraan bulshada, ha ahaato xag
siyaasadeed, xag dhaqan iyo xag dhaqaaleba. Kumanyaalkii
sano ee ummadda Soomaaliyeed soo jirtey, dumarku waxay
kaalin muhiim ah ka qaadan jireen nabadaynta waqtiga
colaaduhu jiraan. Dumarku waxay ahaayeen cidda keliya ee
si xorriyad ah iyo cabsi la’aan uga kala dhex gudbi karta
labada dhinac ee dagaallamaya. Waxaana ergo noqon jirey
dumarka dhalmadeyska ah.
Sidaa awgeed, qoloba qoloda kale waxa ay ka qabto iyo sida
ay heshiis iyo nabad diyaarka ugu tahay, dumarka ayaa laga
ogaan jirey ; farriimaha waanwaanta iyo dagaal joojinta ku
saabsan na iyaga labada qolo u kala qaadi jirey. Jawaabaha
arrintaa ay ka bixinayaan labada dhinac ee colaaddu ka
dhaxayso na waxa laga garan jirey hadyadaha loo soo dhiibo
ergada. Markuu dhinac oggolaado farriimaha waanwaanta
wuxuu u soo labbisi jirey haweenkii ergada ahaa oo u soo
dhiibi jirey xeedhooyin. Hadduuse diido ergadaa wuxuu u
soo dhiibi jirey xeedhooyin uu dambas ku jiro.

Waxa kale oo ay haweenku kaalin door ah ka qaadan jireen
bixinta ama bedbaadinta dagaalyahannada ama rag-doorka
ka soo jeeda reerka ay qoladooda ay is hayaan ama colaaddi
dhex taal. Bedbaadintaasina waxay badanna horseedi jirtey
nabad iyo xidhiidh wanaagsan oo beddela colaaddii u
dhexaysay labada dhinac.
Waxa intaas dheeraa, marka labada dhinac ee is dishay la
heshiisiiyo ee dad iyo duunyo waxay kala qabeen loo kala
guro, waxa la is dhaafsan jirey gabdho ugub ah si heshiiskaas
loo xoojiyo. Waayo, maahmaah Soomaaliyeed ayaa odhanaysa "Meeshay xinjiri ku daadato, xab baa lagu bururiyaa".
Ujeeddaduna waxay tahay in gabdhahaasi reerka la siiyay u
dhalaan wiilal u gala kaalintii ay ka baxeen raggii dagaalka
kaga dhintay iyo in labada dhinac ay sidaa ku yeeshaan xidhiidh gacalnimo iyo qaraabo si ay u adkaato colaad dambe
oo dhex marta laba dhinac.
Sidaa bay na haweenka Soomaaliyeed door muhiim ah uga
ciyaari jireen raadinta hore ee nabadda iyo heshiisiinta dambe
ee reeraha colaad dhex marto.

Cabdalle Riiraash

Bogga 6

Sabti, 31da Ogost 2013

DHAQAN

QORMADA WAXBARASHADA
BARO AFKAAGA HOOYO

Cadadkii hore ee wargeyskeenna “Dhaqan” waxa aan ku soo aragnay ama aan ku soo barannay
xuruufta shanta ah ee ay ku kala yar geddisanyihiin shibanayaasha Far Soomaalida iyo tan
laatiiniga ah. Maanta na waxa aynu ku eegaynaa, “haan guntaa laga tolaaye”, gun-dhigga afka
oo ah Naxwaha.

S

ida muuqata ama aynu wada ogsoonahay,
uumane kaste waxa uu leeyahay xeer iyo dhegaley
u dejisan oo uu Eebbe weyne (SWT) u asteeyay. Waxa
kale oo aynu wada ognahay in uu xeerku yahay mar
walba kan lagama maarmaanka ah oo waxa la yidhaahdaa
“xeer la’aan waa lagu xumaadaa” ama “xeerdarro
xumaan bay dhalshaa". Sidaas si la mid ah ayuu afka
aynu ku hadalno na u leeyahay xeer iyo dhegaley u
gaar ah oo lagu magacaabo NAXWE.
Haddaba inta aynaan u sii gudagelin, bal aynu is
weydiinno su’aasha ah : waa maxay Naxwe ? Maxaa se
lagu qeexi karaa ? jawaabta su’aalahaasina waa tan :
Naxwaha afku waa habdhiska eray saxan oo lagu dhigo
meel sax ah, kana dhasho macne la garan karo, isla
mar ahaantaas na lagu soo kobo guud ahaantiisa ba
toddoba qaybood, kuwaas oo ay ereyada dhammaantood
ku kala arooraan looguna abtiriyo. Toddobada
qayboodna waa kuwan :
Fal = Verbe,
Magacuyaal = Prénom,
Xidhiidhiye = Conjonction,
Fal-kaab = Adverbe,

Magac = Nom,
Tilmaanme = Adjectif,
Meeleeye = Proposition

Haddaan maanso ahaan ku qeexnana, Naxwahu waa :
Afka waxaan ka leenahay,
Habka loo adeegsado,
Ogow waa odhaah saxan,
Iyo eray halkiisii,
Iskiis eeyar loo dhigo,
Oo dhala ujeedada,
Macno aynu wada garan.

Hadda ba cadadkeennan maanta waxa aynu ku soo
qaadanaynaa Falka oo ah kan ugu jahawareerka badan
ka hor inta aan la fahmin ama aan la daraasayn. Si
kaste ba ha ahaatee, Falku guud ahaan waxa uu u
qaybsamaa laba jaad oo la kala yidhaahdo Fir iyo
Farac, isla mar ahaantaas na Faraca ayaa u sii
qaybsanma laba qaybood oo iyagana la kala
yidhaahdo Fal-tilmaanmeed iyo Fal-codeed.
Markanna bal an eegno afarrey yar oo si kooban
innoogu qeexaysa Falka shaqadiisa iyo qaybihiisa ba :
Falka aynu qeexnee,
Waa eray ku tusi kara,
Imikadan wax dhacayiyo,
Waxii hore u soo dhacay,
Iyo wixii timaaddada,
Aynu sugi in uu dhaco,
Mid na ila ogsoonow,
Adoon kula hadlaayiyo,
Asalkiisu waa amar,
Balse idil ahaantaba,
Falku wuxuu u qaybsami,
Farac iyo fir weeyaan,
Oo faracu waa labo,
Tilmaan oo fal laga dhigay,
Iyo eray cod weeyaan.
(La soco cadadka kan xiga)
Cabbaas Xasan Migil

Cadadka 4aad

Sabti, 31da Ogost 2013

Bogga 7

LIIBAANTA KU JIRTA BARASHADA
AFKA HOOYO

Kobcinta, tayada iyo midhaha waxbarashada oo la adeegsado afka hooyo waa horumar,
waase go'aan adag oo Wasaarad waxbarsho ay fuliso ama dawladi ku kacdo. Ardayga oo
luuqaddiisa wax lagu baro waa arrin u fudaydisa awoodiisa waxbarasho oo fahanka
cashirka iyo muddada ay ka qaadan lahayd bay u fudaydisaa. Go’aanka nuucaas ah oo
Wasaaradi qaadatina waa tacliintii oo ruuxdii iyo naftii ku jirto oo ardayga madaxiisa
lagu weeleeyay, waa na go’aannada Wasaarad tacliineed qaadan lahayd ka ugu mudan.

A

1. Horta si ardagu afka qalaad u fahmo,
rdayga oo loogu tebiyo wuxuu baranaayo
afkiisa hooyyo, iyadoo si manhaj ah oo u akhriyo, u qoro ama uu ugu hadlo waqti aad u
qorshaysan talaabo-talaabo lagu siinayo, waa badan ayay ka qaadanaysaa.
2. Ardayga waxaa ku
liibaan aad u saraysa.
adkaan in uu fahmo
Waayo haddii uu
luqaddan cusub ama
ardaygu af kale wax
uu awoodi kari
ku baranayo, waqti
waayayaa siduu u
badan
bay
gudbin lahaa wuxuu
waxbarashadu ka
garanaayo, aad bay
qaadanaysaa. Sidaa
na ugu adkaanaysaa
a w g e e d ,
in
uu
su'aalo
c i l m i b a a d h e ya a l
weydiiyo macallinka
badani waxay ku
ama uu ka qaybqaato
taliyaan in ardayga
shaqada
fasalka
afkiisa hooyyo uu
dhexdiisa ka socota.
wax ku barto, laga
3. Ardaygu kolkuu afka hooyo wax uu ku
soo bilaabo waqtiga barbaarinta ilaa uu soo
baranayo, maalinta kowaad ee dugsiga la geeyo
gaadhayo fasalka 6aad.
ba wuu la jaan qaadayaa waxbarshada, liibaan
Haddii aan is weyddiinno su’aasha ah “liibaanta
kale iyo waxtar kale oo ballaadhan na wuu ka
ay leedahay afka hooyyo in wax lagu barto ama
helayaa.
ardayga loogu gudbiyo tacliinta maxay tahay ?”,
si aan u helno warcelinteeda ku haboon su’aashaas, BARASHADA OO KOR LOO QAADO
bal aan isla eegno qodobadan soo socda :
1. Ardayga waxbarashada ku qaata afkiisa
MIDHAHA WAX BARASHADA AFKA hooyyo, kuna bilaaba da’dii dugsiga lagu
HOOYO
bilaabayay. Wuxuu noqdaa inta badan ardayga
Manhajka ardaygu wax uu ku baranayo haddii ugu maqnaansho yar.
2. Ardayda afka hooyyo wax ku barti inta
uu ku qoran yahay af qalaad, waxa la soo
darsaysa ama ka hor iman kara arrimahan soo badan ma loox tuuraan, marka loo eego kuwa
afka qalaad wax ku barta. Arrinkaas waxa marag
socda :

Bogga 8

Sabti, 31da Ogost 2013

DHAQAN

u ah cilmibaadhis lagu sameeyay 22 dawladood
oo ka mid ah kuwa soo koraya iyo 160
koox-luqadeed, daraasaduna waxay tidhi sidan :

• Mar kastuu qof u yeesho aqoon aad u
badan afkiisa, waxay u fudaydisaa in uu buuni
ku noqdo afafka shisheeye ee uu baranayo.

• Dugsiyada waxbarasho ee afka hooyo
tacliinta lagu barto aad bay uga tayo sarreeyaan
kuwa afka qalaad wax ku bara.
• looxtuurka iyo looxjiidku, ama
lugjiidku, aad bay ugu yar yihiin ardayda afka
hooyyo wax ku barta.
• Ardayda wax barashadoodu ku bixin
afkooda hooyo aad bay uga hooseeyaan kuwa
kale ee afkooda hooyo waxbarashadu ku hela.
(Smits et al, 2008)

• Qofka afkiisa hooyyo ku liita, laga ma
filo in uu afafka kale ku fiicnaado, sida qof
afkiisa hooyo aad u yaqaanna.
• In qofku aqoon u yeesho afkiisa hooyo,
waxay kor u qaadaysaa oo ay kobcinaysaa in uu
aad iyo aad ugu guuleysto noocyada kale ee
tacliinta oo dhan (Ball, 2010).

Cilmi baadhis kale oo iyana lagu sameeyay dalka
Maali ayaa iyana muujinaysa in looxjiidka
ardayda wax ku barata afkooda hooyo uu 5 jeer
ka hooseeyo kuwa kale. Isla markaana
looxtuurkoodu uu 3 jeer ka hooseeyo kuwa
aanan wax ku baran afkooda hooyyo. (Bender et
al, 2005).

Haddaba haddii arrintu ay sidaa tahay maxaa ka
wanaagsan in afka hooyyo wax lagu barto.
Arrintaa waxaa lagu eegay deraasad lagu
sameeyay waddamo badan oo caddaymo laga soo
ururiyay, sida dalalka : Kamaruun, Hindiya,
Maali, Filibiin, Afrikada Koonfureed, Fiidnaam
(Vietnam) iyo kuwo kale oo badan. Dalalkaas
dhammaantood waxay taageerayaan liibaanta ku
jirta in uu ardaygu wax ku barto af uu yaqaano.

TAYADA TACLLINTA IYO QORAALKA

(La soco cadadka kan xiga)

Halkan waxaan ku muujinaynaa deraasad lagu
sameeyay kor u qaadista tayada akhriska iyo
qoraalka. Dib u eegis dhawaan lagu sameeyay
cilmibaadhis hore baa ku soo biyo shubanaya
qodobadan :

Ibraahiim Axmad Ali (Xeer-Ciise)

Cadadka 4aad

Sabti, 31da Ogost 2013

Bogga 9

QORMADA SUUGAANTA
XILLIYADII AY SOO MARTAY MAANSADA
SOOMAALIYEED

Waxa aynu ku soo aragnay cadaddadii hore ee wargeyskan badaha ay Soomaalidu ka
maansooto oo aan ku soo koobnay inta la ogyahay kow iyo toban badood, bal maantana
aynu eegno xilliyadii kala duwanaa ee ay soo martay suugaanta Soomaalidu.

H

addii aynu wax ka iftiiminno jaranjarihii ay uu wax kaga sheegayo dhaliilaha maamulka, kuna
soo martay suugaantu, waxa la sheegaa in baraarujinayo bulshada.
suugaanta soomaalidu ay ka soo gudubtay shan xilli
oo waaweyn oo kala ah :
5- Xilligii burburka (1991kii intii ka danbaysay) :
suugaantu xilligaas waxa ay aad diiradda u saartay
kii
1- Xilligii guumeysiga (1884 ) ka hor : Waagaa nabadda, baahida loo qabo dawladnimada,
maansada Soomaalidu waxa ay ahayd idaacad wax dibuheshiisiinta qaybaha kala duwan ee is haya iyo
la isku gaadhsiiyo, wax lagu kiciyo, waxna lagu dhibaatooyinka ay dagaaladu keenaan.
dejiyo, laguna madadaasho oo waxa xilligaas
bandiiradda u siday gabayaagii weynaa ee Raage Intaa haddaan ku dhaafno jaranjarooyinkii kala
Ugaas Warfaa, waxaana loo yaqaan “xilligii duwanaa ee ay soo martay suugaanta Soomaaliyeed,
dahabiga” ee maansada Soomaaliyeed.
bal imikana wax aan ka iftiiminno hilimada ay
soomaalidu ka maansooto oo aan ku soo koobayno
kii
kii
2- Xilligii gumaysiga (1889 ilaa 1944 ) : maansada sidan :
Soomaaliyeed waxa xilligaas hareereeyay iska hor
imaadyo iyo dagaallo, siiba waxa ka dhex muuqday
- Hogaaminta
- Dulqaad
dagaaladii dhex maray Daraawiishta iyo gumeysigii
- Wacdi
- Xikmad
Ingiriiska. Waa xilliga kooba gabayadii Sayid
- Calaacal
- Baroordiiq
Muxamed Cabdile Xassan, waaxaana loo yaqaan
- Ammaan
- Tilmaan
“xilligii dagaallada iyo boqortooyinka”.
- Waano
- Digasho
- Xafiiltan
- Sarbeeb
3- Xilligii ku beegnaa dhammaadkii dagaalkii labaad
- Hal-xidhaale
- Aflegaado (cay)
ee adduunka : waa xilligii ay hanaqaaday suugaanta
- Dirodiraale
- Alle bari
gobannimadoonku, waxaana loo yaqaan “xilligii
- Jacayl
- Nacayb
gobannimadoonka”.
- Maad
- Guubaabo
- Faan
- Abaaldhac
kii
kii
4- Xilligii dawladnimada (1960 - 1991 ) : suugaantu
- Hanjabaad
- Ergo iyo Afeef
xilligaas waxa ay ahayd mid ka hadlaysa maamul
- Farriin
- Naftii hafar
wanaagga, dawladnimada iyo arrimaha bulshada,
- Baryo
- Daltabayo
waxaana xilligaas aad uga dhex muuqday gabyaagii
- Colaad
- Nabad
Xaaji Aadan Afqalooc oo isagu tirin jirey maansooyin
Cumar Jaamac Cige.

Bogga 10

Sabti, 31da Ogost 2013

DHAQAN

ILLIMADA MAANSADII HORE
(“Cumar-Qaadi” iyo Coofle Geelle)

Innagoo ku sii soconayna maansooyinkii ama gabayadii ay ku kaftamayeen, badhtamihiii
qarnigii 20aad ee an soo dhaafnay, Cumar Axmad Caddaawe “Cumar-Qaadi” iyo Coofle
Geelle, waxaan qormadan ku soo qaadanaynaa qaybo kale oo maansooyinkaa ka mid
ah oo aan ka soo xigannay abwaan Cumar Daahir Cabdi “Cumar-Kuul”.

B

eri ay abaar xumi dhulka saamaysay,
Coofle Geelle oo xoolihii ka dhammaadeen
ayaa tegaya tuulada Cabdulqaadir, halkaas oo
Cumar-Qaadi degganaa, Qaadi na uu ka ahaa.
Coofle Geelle wuxuu marti ugu hoyanayaa
Cumar oo tuulada ku lahaa dukaan uu wiil uu
dhalay hayo. “Cooflow, bal warran” buu Cumar
odhanayaa, Coofle na wuxuu ugu jawaabayaa
ereyadan :

“Cumarow da’dii nimay tegtoo, taagan baan ahaye
Haddaan aabbahaa tabi lahaa, tiir midaan nahaye
Kuwii ani wax ii tari lahaa, taarku iga qaadye
Adigoon tudhayn buu Ilaah, iiga kaa tegaye
Tawstayda shegtaye waxaad, tari ha la ogaado.”
Cumar waxa uu Coofle weydiinayaa waxa uu
tabanayo. Dabadeed Coofle, oo macnaynaya
tawstiisii, ayaa u celinaya :

“Cumarow caddaatoo abaar, ciidhalaa timide
Nin caddeeyo soofsaday beryahan, ciir ma soo dhamine
Nin cimaamad luu awgayow, calanku saarraaye
Hadduu Caarrahaan dhalay tukaan, caasha kala jeedo
Ama aan Cadami qaadani sidii, adiyo caynkaaga
Caqaartaa cuwaafluhu sitaan, laygu caayeene.”
“Ma intaa uun baa ?” ayuu Cumar-Qaadi ku
odhanayaa, ka dibna uu soconayaa oo qaad buu
u soo gadayaa. Cumar markuu qaadka siinayo

Coofle, hadal buu hoos dhigayaa oo wuxuu ku
odhanayaa :

“Ba’na aragtay Cooflow beryana, lagu badhaadheeye
Waakay baraarkiyo riyuhu, boocda qariyeene
Waakay bahdaa lama nacee, kugu dul buuqeene
Bakhaylnimo na waakii mar hore, buug lagaa qoraye
Buuska iga hoo waalid baan, laga bedbaadayne.”
Coofle wuxuu u celinayaa :

“Bakhaylnimada waan wada qabnee, tanise waa baab e
Ma baaba’aygaanad maqal, Balawo na i geeyay
Mise maalkan kuu buuran baad, buruc yar ii goyni
Ma badh baad ku heli maansadaad, igaga baadhayso
Baaniyaal miyaad tahay bahnimo, kaama soo bixine.”
Cumar cimaamaddiisii buu dul dhigayaa Coofle
oo wuxuu ku odhanayaa “Bes adeer!”, ma na
jawaabayo.
Beri kale, laba nin oo la kala odhan jirey Jaamac
“Murug” iyo Ina Xaaji Ismaaciil, oo labaduba ka
soo jeeda qabiilka Samaroon, ayaa xafiiltamaya
oo mid kasti ba ka kale ayuu ku odhanayaa “anaa
kaa abti fiican”. Odayadii tuulada Cabdulqaadir
markaa joogay, oo ay ka mid ahaayeen
Cumar-Qaadi iyo Coofle Geeelle, ayaa
nimankii ku odhanaya “socda oo nin walowba
abtiigaa diiqo ka keen”.

Cadadka 4aad

Sabti, 31da Ogost 2013

Jaamac “Murug” wuxuu tegayaa Seylac, abtigii
oo magaalada degganaa baa na ugu deeqaya
gaadhi raashin ah. Ninkii Ina Xaaji Ismaaciil ee
ay is hayeen isaguna miyi buu qabanayaa oo waxa
abtigii diiqo ahaan u soo siinayaa qaalin riman.
Markuu qaalinta reerkiisii ku soo hooyana
ereyadan ayuu soo tirinayaa isaga oo Jaamac
“Murug” u faanaya :

“Inaan maycas-geel soo eryoon, mariyay Aw-Buube
Kuwii muranka loo dhaliyay iyo, “Murug” ayaa u sheega.”

Cumar-Qaadi oo u hiilinaya saaxiibkii Jaamac
“Murug”, kuna socda Coofle oo abti dhow u ah
Ina Xaaji Ismaaciil, ayaa u jawaabaya oo
odhanayaa :

“Loofaaqu Ina Xaajiyow, uu ku lumiyaaye
Laantii Ismaaciil ku sudhay, waad ka lulataaye
Adoo laba jir geel soo eryay, oo weliba laaluushay
Iyo ninkan doonni luul iyo cambar ah, loogga loo siiyay
Aabbihii Lo’doon baa uga ba’ay inuu, rag leecshaaye
Waxba ha is luggoyn Jaamac bay, raacday libintiiye.”
Cumar intaa hadduu yidhi, waxa hadalka
qaadanaya Coofle Geelle oo odhanaya :

“Ciise iyo Gadabuursi iyo, tan iyo Gaaroodi
Nin waliba gambada hooyadii, waa u garantiiye

Bogga 11

Ha yeeshee waxa lagu gartaa, geeel ninkii wada e
Geelbaa la sheegaye ninkaan, Gooha bixinaynin
Gol cidla’ ah waa inuu deguu, gabayga daayaa dhe.”
Waa caado Soomaaliyeede, geel bay arrintii is
dul
taagtay, gabaygiina halkaas ayuu Cumar
kaga xidhmay. Cumar-Qaadi wuxuu ku jeesanayaa saaxiibkii Jaamac “Murug” oo uu ku
odhanayaa : “bal saaxiib reerihii miyiga teg oo
geel keen”. Jaamac dhan na wuu u dhaqaaqi
waayayaa, markaas ayuu Cumar u tirinayaa
dhowrkan meeris :

“Jaamacow hadduu Celi ku dhalay, ma caddillaateene
Cadaleydan maarmaarna waa, lagu carraabaaye
Ma cidlaa lagaa helay maxaa, cagaha kuu laabay?”
Mar labaad ayuu Cumar-Qaadi saaxiibkii la
hadlayaa oo ku odhanayaa :

“Rafiiqii run ihi waa inuu, run isu sheegaaye
Ma reerihii baad tegtoo, ruux ka garan weyday
Mise qolo ragayno laan ku dhalin, beeni raad ma lehe? ”
Kaftankiina wuxuu ku dhamaanayaa canaantaa
uu Cumar-Qaadi u soo jeediyay saaxiibkii Ina
Xaaji Ismaaciil.

Idiris Siciid Migil

Bogga 12

DHAQAN

Sabti, 31da Ogost 2013

WARARKA
BANDHIGII QASAA’IDKA IYO MAANSADA DIINIGA AH

Toddobaadkii u dambeeyay ee bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waxa Agaasimka
Dhaqanka ee Wasaaradda Arrimaha Islaamka, Dhaqanka iyo Awqaaftu uu soo
qabanqaabiyay bandhig uu ugu magacdaray “Toddobaadka qasaa’idka iyo maansada
diiniga ah”. Bandhigaas, oo ka dhacay golaha Maddadaalada ee “Saaliinka”, waxa ka
soo qaybgalay sagaashan iyo labo tartame (92) oo isugu jira kooxo iyo shaqsiyaadba.

X

afladdii furitaanka bandhiga, oo uu
goddoominayay Xoghayaha Guud ee
Wasaaradda Arrimaha Islaamka, Dhaqanka iyo
Awqaaftu, Mudane Maxamad Xuseen Ducaale, waxa ka

Cafari, Carabi iyo Soomaali. Qasaa’idka madasha la
qaadayay iyaguna waxay u kala baxayeen sidatan :
qasaaidka loo yaqaan “Cayniyada” (Af Carabi) iyo
qasaa’id Nebi-ammaan ah oo lagu curiyay afafka Soomaaliga iyo Cafariga, waxaana qiimaynayey
garsooreyaal
uu
guddoominayey abwaan Cumar
Daahir Cabdi oo loo yaqaan
“Cumar-Kuul”. Guddigii garsoorku
natiijadii uu soo saaray na waxay
ahayd sidan :
Maansada diiniga ah
- Af Soomaali

soo qaybgalay marti sharaf fara badan oo ka soo kala
jeeda bulshada qaybaheeda kala duwan iyo mas’uuliyiin
sarsare. Waxa kale oo iyaguna goobtaas ku sugnaa
mas’uuliyiintii Wasaaradda ee u soo hawlgashay sidii uu
bandhigani u qabsoomi lahaa oo ay ka mid yihiin
Agaasimaha Dhaqanka, Mudane Cismaan Buux
Odowaa, Maamulaha Golaha Maddadaalada ee
“Saaliinka”, Marwo Ismahaan Maxamuud, iyo
agaasimaha Xafiiska Xuquuqda Halabuurka, Mudane
Maxamad Axmad Suldaan.
Maansooyinka la soo bandhigay ee lagu tartamayay
waxay ku baxayeen saddexda af ee dalka lagaga hadlo :

1. Cumar Cali Cakaal
2. Nimco Faarax Caddaawe
3. Qumane Muuse Cabdille
- Af Cafari
1. Khadiir Arbaahim Cali
2. Mansuur Ambassa Maxamad
3. Xanfare Maxamad Sacad
- Af Carabi
1. Maxamad Cabdoo Yaxya
2. Cabdalla Axmad Maxamuud
3. Axmad Maxamad Xummad

Cadadka 4aad

Sabti, 31da Ogost 2013

Bogga 13

3. Kooxda Al-Suufi - (Axmad Maxamad
Moqbel)

Qasaa’idka
-Af Soomaali
1. Kooxda Xaaji Xuseeniya (oo uu hoggaminayay
Xuseen Maxamuud «Bookh 3»)
2. Kooxda Shallilaa Band - (Sakariye Cabdalla
Maxamad)
3. Kooxda Ansaar Al Raxmaan (Xuseen Jaamac
Axmad)
-Af Cafari
1. Kooxda Kabiir Xamsa - (Khadiir Arbaahim
Cali)
2. Kooda Nasri - (Cali Xanfare Xasan)
3. Kooxda Dilleyta - (Dilleyta Yuusuf Dilleyta)
- Cayniyada (Carabi)
1. Kooxda Xadratal Saadaati - (Sheekh
Abuubakar Xasan)
2. Kooxda Sheekh Xuseen Cali - (Cali Xuseen
Cali)

Jaa’isada gobollada (qasaa’id)
• Kooxda gobolka Carta
Jaa’isada dhiirigelinta (Maanso)
• Maxamad Xasan Yaabe (wiil aad u da’ yar)
Maalintii Isniintii ee 5tii bisha Ogost 2013ka, waxa lagu
qabtay Machadka Fanka ee Jabuuti (Institut des Arts de
Djibouti – IDA) xaflad lagu abaal marinayo ka-qaybgaleyaashii ku guulaystay tartanka oo oo halkaa lagu guddoonsiiyay lacag cadaan ah. Hadal uu ka jeediyay
xafladaas, Xughayaha Guud ee Wasaaraddaa Arrimaha
Islaamka, Dhaqanka iyo Awqaaftu, Mudane Maxamad
Xuseen Ducaale, wuxuu u mahadceshay giddigii garsoorka tartanka iyo dhammaan dadkii iyo mas’uuliyiintii
suurageliyay qabsoomidda iyo habsami u socodka tartanka.

Idiris Siciid Migil

KULANKII HAWLWADEENNADA WASAARADA ARRIMAHA
ISLAAMKA, DHAQANKA IYO AWQAAFTA

Kulan dhexmaray hawlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Islaamka, Dhaqanka iyo Awqaafta,
oo uu guddoominayay Wasiir Aadan Xasan Aadan, ayaa lagu qabtay qolka shirarka ee
jamacadda Jabuuti maalintii arbacadii ee 03dii juulaay 2013ka. Kulankaas, oo ujeeddadiisu ahayd
talowadaag iyo rayi isweydaarsi, waxa ka soo qaybgalay dhamaan imaamyada masaajiidda dalka.

S

hirkaas, oo loo soo qabanqaabiyay qaab
wanaagsan oo ilbaxnimo ku dheehan tahay,
kana fog gef cid lagu xumaynayo, waxa hadallo ka
jeediyay culumaa’uddiin ay ka mid yihiin Sheekh
Maxamed Amiin Cumar iyo Sheekh Shaafici oo
dhammaantood carrabka ku dhiftay in imaamyada
iyo masaajiidda ba uu isbedel weyni ku yimid oo
wax weyni u kordheen intii Madaxweyne Ismaaciil
Cumar Geelle uu talada dalka qabtay. Sheekh Shaafici
waxa kale oo uu ka hadlay doorka weyn ee

masaajidku ka ciyaaro kor u qaadidda aqoonta
bulshada, midnimada ummadda iyo nabadgelyada
dalka.
Khudbadii uu ka jeediyay kulanka,Wasiirka
Arrimaha Islaamka, Dhaqanka iyo Awqaafta,
Mudane Aadan Xasan Aadan, waxa uu hortaba ku
sheegay xurmada iyo karaamada ay leeyihiin
imaamyadu. "Meeshaad joogsataan, haddaad
imaamyadii tihiin, waa halkii Nebigu (SCW) uu

Bogga 14

Sabti, 31da Ogost 2013

joogsanayey. Meeshaasi waa meel
xurmadeeda leh, karaamadeeda leh.
Qofka joogsanaya halkaasi ma aha qof
caadi ah. Waa qof ay tahay in uu isku
diyaariyo in uu meteli karo Rasuulkaa
weyn (SCW). Laakiin
imaamku ma noqon
karo mid xaafadda
uu tujiyo ama u
khudbadeeyo isku
dirkeedka iyo kala
geynteeda
ka
shaqeeya",
ayuu
yidhi Wasiirku.
Agaasimaha Wargeyska :
Maxamad Xuseen Ducaale
Tifaftire Guud :
Cusmaan Buux Odowaa
Bahda Tifaftirka :
Maxamad Daahir Xasan
Idiris Siciid Migil
Abuubakar Fariid Buux
Cabdalla Xaaji Cusmaan
Ibraahim Axmad Cali
Cabbaas Xasan Migil
Xasan Cali Buraale
Cumar Jaamac Cige
Cabdikariim Aadan Siciid
Sargoynta dhigaalka :
Idiris Siciid Migil

Wasiirku waxa kale
oo uu wax ka
tilmaamay karaahada
ku
jirta
isticmaalka habeenkii ee samaacadaha
dibedda ee masaajiidda. Isagoo arrintaa
ka hadlayana wuxuu yidhi : "Dadku
markay Salaatu Leylka tukanayaan,
makarafoonnada dibedda ee dumarka,
carruurta iyo ducafada lagu toosinayo
waa mid ka baxsan aadaabta Islaamka.
Waxa habboon in la shito
makarafoonka gudaha. Waayo kooxda
masaajidka isugu timidday iyada ayaa
ku ballantay in ay cibaadaysato,
laakiinse ma aha in la dhibo dadkii
hurday oo qof buki ku jiro, qof daciif
ahi ku jiro…"
Mudane Aadan Xasan Adan waxa uu
baray ka qaybgaleyaashii kulanka in
Wasaaradiisu, iyada oo fulinaysa
awaamiirta Madaxweynaha Jamhuuriyadda,
ay ka shaqayn doonto sidii ay
dhammaanba imaamyada masaajiidda
dalku u noqon lahaayeen shaqaale
dawladeed. "Waa xuquuq aad leedihiin

DHAQAN

oo hore ba Madaxweynuhu ugu ballan
qaaday", ayuu yidhi Wasiirku.
Ugu dambayntii, Wasiirku wuxuu ka
hadlay doorkii uu masaajidku ka ciyaari

jirey waxbarashada iyo faafinta culuunta,
wuxuuna yidhi : "Masaajidku wuxuu
ahaa madarasad, wuxuu ahaa jaamacad,
wuxuu ahaa meel wax laga barto. (…)
Waxaan lahayn manhaj mutakaamil ah
oo dadka wax lagu baro… Wixii waa
laga tegay, waxaana looga tegay gaabis
culumada ka timidday awgeed. Amar
dawladda ka soo baxay oo joojiya leh ma
jiro, amar dawladda ka soo baxay oo
mad-habkii Shaafici waa la tuuray leh na
ma jiro, amar dawladda ka soo baxay oo
inamadiina yaryar ee aad jaamacadaha u
dirateen dhegaysta oo idinku xilkiinna
dhiga leh na ma jiro…" Wuxuuna ka
codsaday Culumadii iyo imaamyadii
goobta fadhiday in "Masaajiidda kutubtii lagu soo cesho. Annaguna, haddaan
nahay Wasaaraddii, waxaan ku dedaalaynaa,
hadduu Alle idmo, in aan idiin soo
daabacno kutubtii mad-habka Shaafici.
Idinkana waxa la idinka rabaa in aad
masaajid kaste ka dhigtaan madarasad."


Aperçu du document Dhaqan4.pdf - page 1/14
 
Dhaqan4.pdf - page 2/14
Dhaqan4.pdf - page 3/14
Dhaqan4.pdf - page 4/14
Dhaqan4.pdf - page 5/14
Dhaqan4.pdf - page 6/14
 




Télécharger le fichier (PDF)


Dhaqan4.pdf (PDF, 5.8 Mo)

Télécharger
Formats alternatifs: ZIP



Documents similaires


dhaqan4
dhaqan sugeeti3
dhaqan sugeeti1
dhaqan sugeeti2
taariikhdii jaamac maxamed xayd
ferrocontact 2017 3

Sur le même sujet..